|
Xubno Baarlamaanka Katirsan oo kusugun ka soo Horjeestay Dhisidda Jubbo Land |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Saturday, 19 April 2008 |
|
Baydhabo,(insidesomalia.org)- Inkastoo mudooyinkii ugu dambeeyay Gobolada Jubbooyinka ay ka soconayeen qorshayaal ku aadan dhisidda Maamul Goboleedka Jubbo Land ayaa hadana waxaa jira xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn ugu soo horjeestay qorshahaasi.
Xilldhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegey fikirkiisa ku aadan dhaqdhaqaaqa Barre Hiiraale iyo Mudanayaal kale ee Kismaayo ka wadaan iyo farqiga u dhaxeeya qorshaha Maamul Goboleedka Koonfur Goboleed oo ay wadaan afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe iyo Mudanayaal kale.
Xilldhibaan Madoobe Nuunow ayaa sheegay in qorshaha Barre Hiiraale uu wada aanay raali ka aheyn Bulshada ku dhaqan Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, Islamarkaasiya uu tilmaamay inuu ku fulinayo dano isaga u gaar ah waa sida Madoobe Nuunow hadalka u dhigay.
Xasan Deyrow oo ka mid ah Mudanayaasha dadaalada ugu jira hergelinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa aaminsan fikir ka duwan kan uu qabo Mr Nunow, waxaana uu sheegay in qorshaha Barre Hiiraale iyo Mudanayaasha kale ay wadaan ay ugu gogol xaarayaan Maamul Goboleed ay kumideysanyihiin Lixda Gobol oo ku yaala Konfurta soomaaliya.
Kala duwanaashaha mudanayaasha ee ku aadan arintaasi ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli dhawaan Magaalada Baydhabo kulan muddo saacado ah soconayay ay ku yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo inkabadan 15 mudane oo ka soo jeeda Lixda Gobol ee ku yaala koofur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeentii, bartamaha todobaadkan ayaa loo balan sanyahay in Mudanayaasha iyo afhayeenka Baarlamaanka ay kulan ku yeeshaan Magaalada Baydhabo, ayagoo kulankaasi kaga hadli doono dar dar galinta howlaha Maamul Goboleedka iyo xiriirka dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee u dhaxeeya Gobolada koonfurta Soomaaliya
|